Sawirro: Ximan iyo Xeeb oo ku biirtay maamulka GOBOLLADA DHEXE iyo Villa Soomaaliya oo la isugu tagay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bogaadiyey go’aanka Maamulka Ximan iyo Xeeb ugu soo biiray Heshiishka Maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo ay garwadeen ka tahay Xukuumadda Federaalka, kaasi oo dhabaha u xaaraya in dadka degan gobolladaas ay dhistaan hal maamul Gobolleed oo ay ku midaysan yihiin.

Madashii lagu dhameystirayay Heshiiska waxaa ku sugnaa ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano, Wakiillka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne kale, waxaana saxiixa kaddib hadal uu jeediyay Madaxweyne Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) ku boggaadiyay heshiiska isagoona tilmaamay in wada hadal dheer kaddib maanta la dhameystiray heshiiskii Maamul u sameynta Gobollada Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha oo kelmed ka jeedinayay madasha, ayaa yiri:

“Waxaan u mahadcelinayaa dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii u dambeysay maanta lagu soo xiray madashan, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ximan iyo Xeeb oo garasho iyo bisayl la timid kuna soo biirtay walaalahood si ay u dhistaan maamulka cusub ee gobollada dhexe oo noqon doona tiirarka waaweyn ee Federaalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Galmudug iyo Ahlusunna Wal-jamaaca oo walaalahood soo dhaweeyay”.

“Hannaankani waxa uu tallaabo mihiim ah u yahay sidii horay loogu sii wadi lahaa in dalkeenna laga dhaqan-galiyo nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada uu ka koobnaanayo dalka. Aniga iyo golahayga Xukuumadda waxan diyaar u nahay in aan guddiga kala shaqayno sidii lagu xaqiijin lahaa howshan bilaabatay inay miro dhasho”

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadani inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxana uu xusay in dhammaan golayaasha Dowladdu wadajir ay u taageerayaan heshiiskan in uu taabo galo.

“Waxaan bogaadin dadaalka xukuumaddu ay dalka uga hirgalinayso nidaamka fedeeraalka.Waa jiri karaan caqabado iyo is qab qabsi marka wax la dhisayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa wadatashi, wadahadal iyo gorgotan dhex mara dhammaan dhinacyada ay wada khusayso. Hawshaan way adkayd, laakiin ugu dambeyntii miro dhal ayay noqotay taas oo ku timid dadaal wadashaqayn ah iyo is qancin ku dhisan, kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii”
Ugu dambeyn waxaa kulanka maanta dhinacyadu ku go’aamiyeen go-gosha lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe in lagu qabto degmada Cadaado halkaas oo laga sii amba qaadi doono dhamaystirka Maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

xim 1xim 11xim 2xim 3xim 4xim 5xim 6xim 7xim 8xim 9xim 10

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com