24.8 C
Mogadishu
Saturday, July 12, 2025

Mustaqbal siyaasadeedka FEYSAL Cali Warabe oo kusii siqaya god mugdi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xuseen Faysal Cali Waraabe oo ku biiray Kooxda ISIS ayaa waxa uu farriin dhiiri-gelin u diray Dhallinyarradda si ay ugu biiraan Jihaadka, waxa ayna arrintaasi galaafatay Mustaqbalka Feysal Cali Waraabe uu ka lahaa Siyaasada Somalia.

Siyaasiyiinta ka faalooda Siyaasada, ayaa waxa ay naqdiyeen Arinta uu ku kacay Wiilka Feysal Cali waxa ayna Tilmaameen in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee ka dhisan Somaliland, Faysal Cali Waraabe ku soo faruurantay Mowjad-siyaasadeed, isla markaana ay saamayn ku yeelan doonto Aayihiisa Siyaasadeed iyo Dakhligii Taageeradda ee uu ka heli jirey Siyaasiyiinta Finland ee ay jaalka yihiin.

Markii la baahiyay Canjalada uu soo diray Xuseen Faysal Cali Waraabe, waxaa durbadiiba hoos u dhac ku imaaday Siyaasada Feysal Cali wareebe iyadoona dadka Reer Hargeysa ay hadal hayeen Xuseen Faysal.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee majaraha u haya Maamulka Somaliland ayaa la sheegay inay si xooggan uga hadlayaaan arrintaasi, iyagoo falaanqeyn guud ku haya siyaasadda Faysal Cali Waraabe ee Siyaasadda Mustaqbalkiisa lugta la gashay god mugdi ah, maadaama Arrinta uu ku kacay wiilkiisa ay dib ugu soo laabatay Eng Feysal Cali Waraabe.

Hadal heynta ugu badan Magaalooyinka Hargeysa xiligaani waxa ay tahay Xuseen Faysal Cali Waraabe oo la bahoobay Alqaacida iyo Aabihiisa Feysal Cali Waraabe, waxaana inta badan Hargeysa lagu arkayaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo ku sheekeynaayo in Feysal uu noqday Hooyga Argagixisada lagu barbaariyo.

Dhanka kale, Shaaricyada Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa laga hadal hayaa saamaynta ay Faysal Cali Waraabe ku yeelanayso Tallaabadda uu wiilkiisa kaga mid noqday Jihaadistayaasha Caalamka, waxaana muuqaneysa dadaalo ay wadaan Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye oo iyagu ay ku fadeexeynayaan Feysal Cali Waraabe kuna tilmaamayaan in isaguba ay suuragal tahay inuu ka tirsan yahay balse uu qarsanaayo.

Waxan weli arrinta Xuseen Faysal Cali ka hadlin Siyaasiyiinta Xisbiga UCID oo xiligaani ganbad ka ah la kulanka Feysal Cali oo Mowjado Siyaasadeed ku soo wajahan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News