Kooxda Axmed Madoobe oo shaaciyay inay qabsadeen saldhigi Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen askar iyo deegankii uu ku sugnaa Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ee Goobweyne.

Sarkaal u hadlay maamulka Jubba, oo magaciisa ku soo gaabiyay Dhagga-Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in ay gacanta ku hayaan deeganka Goobweyn oo dhow iyo toban km u jirra Kismaayo.

Deegankan ay qabsadeen ayuu sheegay in uu ka dhacay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyaad daacad u ah Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Hiiraale.

Wuxu kaloo sheegay in ay gacanta ku dhigeen askar badan oo u dagaallameysa Barre Hiiraale sidda uu hadalka u dhigay.

Mar laweydiiyay halka uu qabtay Barre Hiiraale, wuxuu sheegay in uu cararay dhibaca wabiga isla markaana ay hadda ku raad joogaan.

Si kastaba, dhinaca Barre Hiiraale waxay sheegayaan in ay duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo isla markaana aanu jirin wax askar ah oo laga qabsaday.

Dagaalkii shaley ka dhacay Goobweyn waxaa lagu soo warramayaa in uu dhaliyay khasaaro balse xog badan lagama hayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com