Guddoomiyaha gobolka BANAADIR oo qaadaya tallaabadii shacabka ay ku naceen MUUNGAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa shaaca ka qaaday in la qaadi doono canshuurihii lagu soo rogay guryaha magaalada Muqdisho, lana qaadi doono sanadkiiba hal mar, sida uu sheegay gudoomiye Boorsaani.

Maamulkii hore ee uu gudoomiye ka ahaa Muungaab ayaa kusoo rogay guryaha Muqdisho in sanadkiiba laga qaado min 100 doolar, taasi oo qeylo dhaan badan ka dhex abuurtay shacabka ku nool guud ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

“Maamulkii hore lacagtii uu amray in laga qaado guryaha magaalada Muqdisho waxaa la doonayaa iney bixiyaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho, guri kastaa waxaa laga doonayaa min 100 doolar oo canshuur ah”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiye Boorsaani, ayaa sheegay in lacagtaasi wax loogu qaban doono shacabka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lagu tayeyn doono arimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhismayaasha waddooyinka magaalada Muqdisho, wuxuuna meeshaka saaran iney jeebka ku ridan doonaan.

“Lacagtaasi ma ahan mid aan jeecka ku ridaneyno, waa dhaqaalo bulshada lagu soo celin doono, sida dhismayaasha waddooyinka, caafimaadka iyo waxbarashada”ayuu yiri gudoomiye Boorsaani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com