Odawaa oo degdeg u gaaray Garoowe + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Garoowe ku sugan wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa.

Wasiir Odawaa ayaa waxaa socdaalkiisa Garoowe ku wehlinaaya Wasiiro uu kamid yahay Wasiir ku-xigeenka maaliyada DFS iyo Xildhibaano ka tirsan BFS.

Socdaalka wasiirada ayaa ku qotoma sidii maamulka Puntland ay uga wada hadli lahaayen arrimaha shirka madasha wadatashiga Qaran oo ka socda 6 degmo oo maamulka Puntland hoostaga.

Wasiiradaasi uu horkacaayo C/raxmaan Odawaa ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo labada gole ee maamulkaasi ay kala hadlaan habsami u socodka shirarka socda, waxa ayna min degmo u booqan doonaan 6-da degmo ee uu shirarka ka socdo.

Odawaa ayaa ka gaabsaday in warbaahinta uu xog dheeraad ah kasiiyo ujeedka socdaalkooda, inkastoo la filaayo in xiliyada nagu soo aadan uu warbaahinta kula hadli doono magaalada Garoowe.

Ma cadda guulaha ay wasiiradaasi kala soo laaban doonaan magaalada Garoowe, waxa ayna booqashadooda imaaneysaa xili Puntland ay arrimo gaar ah ka tabaneyso DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com