Ciidankii xasuuqa ka geystay Dayniile oo la hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo shalay xasuuq loo geystay dad rayid ah oo kaarar loogu qeybinayay Xaruntii Jaamacada Gaheyr ayaa waxaa  arimahaasi ka hadlay maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in dad loo qabtay dilkaasi.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda ay ka xun yihiin in masaakiin ah lagu dilo kaarar ay ku qaadan lahaayeen raashiin hayada WFP bixineysay.

Boorsaani, wuxuu sheegay in dad loo qabtay dilka dhacay kuwaasi oo hayadaha amaanka baaritaano ku wadaan, islamarkaana la horkeeni doono cadaalada, sida uu hadalka u dhigay.

“Aad iyo aad ayaan uga xunahay falkaasi lagu xasuuqay dadka maatida ah, cidii ka dambeysayna waxaan la tiigsan doonnaa sharciga.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir

“Saakay Hanta Dheer Ee Degmada Dayniile, iyadoo dad soo barakacay loogu qaybinaayo mucaawino, ayaa waxaa soo weeraray niman mooryaan ah oo qoryo sito. Ka dibna halkaas ayay dadka ku xasuuqeen.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dad loo qabtay dilalka shalay dhacay, kuwaasi oo baaritaano lagu sameyn sameyn doono, kadibna sharciga la marsiin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com