25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo wacad ku maray inaan madaxda sare cadaalad daro laga yeeli doonin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa shaaca ka qaaday in Maxkamadu aysan ka weecan doonin Cadalada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maxkamadu ay la socto dhammaan waxyaabaha ka socda dalka oo ay ugu horeyso Cadaalad darida.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay inay jiraan kiisas dhowr ah oo lasoo gaarsiiyay kuwaa oo ku saleysan cadaalad darro laga tabanaayo DFS.

Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa cadeeyay in Maxkamadda Sare ee Dalka ay kala saari doonto kiisaska Cadaalad darida iyo kuwa loo maray Cadaalada waxa uuna ka shanqariyay in Maxkamada ay ka go’an tahay in howlaheeda ay ku saleyso dhabaha Cadaalada.

“Madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, wasiirada iyo cid kasta lagama yeeli doono cadaalad daro waana lala xisaabtama waana inuu jiraa garsoor saxan oo dadka u dhaxeeya “ ayuu yiri

”Waa la socnaa inay jiraan shakiyo badan oo ku aadan dhanka Garsoorka, waxaan ballanqaadayaa inaan shakiga jiro ka saari doono Garsoorka oo halboole u ah Cadaalada”

”Waxaan dhici doonin in qof shacab ah loo adeegsado Garsoor aan cadaalada ku saleysneyn qof waliba oo muwaadin ah waxa uu xaq u leeyahay inuu helo Garsoor Cadaalada ku saleysan insha allah wuuna heli doonaa”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa wacad ku maray in Maxkamadu ay hirgalin doonto Garsoor lagu hirto oo aan ku jirin shaki iyo Cadaalad darro.

Haddalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, ayaa imaanaya xili Somalia ay kusii baaheyso Cadaalad daro ku saleysan awood sheegasho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News