Farmaajo o magacaabay taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir, maxaadse ka taqaan?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo talo jeedin ka helay Taliyaha nabadsugidda qaranka Sanbaloolshe ayaa magacaabay Taliyaha nabadsugidda Gobolka Banaadir.

G/Sare Saadaq Cumar Xasan ayaa loo magacaabay taliyaha Ciidamada Nabadsugidda Gobolka Banaadir sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kamid ah Xafiiska baahinta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sida ay wararka sheegayaan, waxaana soo jeediyey in Saadaq laga dhigayo taliyaha Gobolka Banaadir Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo ah Taliyaha ciidamada nabadsugidda ee dhawaan la magacabaay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday dhawaan istaraatiijiyad ay xilalka uga qaadeyso madaxdii hore, waxaana xilalka cusub loo magacaabayaa dad saaxiibo dhow la ah, waxaana xusid mudan in Saadaq uu yahay saaxiib ay aad isugu dhow yihiin Sanbaloolshe.

Saacadaha soo socdo ayaan idinla wadaagi doono waraaqdii lagu magacaabay Saadaq oo aan shaqadeda wadno.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET