Farmaajo Beesha Hawiye wuxuu u sameeyey wax aan horey u dhicin haddana weli qeyladooda way socotaa!

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo markiii lagu dhawaaqay golaha wasiirada iyo taliyayaasha Ciidamada waxaa soo food saaray culeys weyn oo kaga imaanayey beelaha Soomaaliya oo Madaxweynaha ku eedeeyey inuu wax xad dhaaf ah u sameeyey Beesha Hawiye.

Marka laga soo tago Beesha Hawiye, waxaa jiro beelo kale oo aan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado Madaxweyne Farmaajo, maadaama ay sheegeen inuu Hawiye u sameeyey wax aan horey u dhicin.

la gartay beelaha kale, balse ilaa hadda waxaa wax lala yaabo noqotay inay Beesha Hawiye ka dhawaajiyeen inuu madaxweynaha qalad ka sameeyey marka loo fiiriyo sida uu xilalka u magacaabay waxayna culeyska kusii badiyeen Farmaajo oo markii horeba ay heystay culeyska dowladda oo laga sugayo inay wax badan ka fiicnato dowladihii hore usoo maray Soomaaliya.

Marka la iska iloobi xilalka badan ee uu Farmaajo u magacaabay Hawiye, waxaa jiro beelo ka mid ah Hawiye oo ka dacwoonayo xil ka qaadis lagu sameeyey shaqsiyaad kasoo jeedo oo weliba laga yaabo in loo magacaabo kuwa kale oo isla beesha ah.

Maxaa loo sameeyey Beesha Hawiye 

Farmaajo wuxuu isku dayey inuu Beesha Hawiye qanciyo, balse ma aysan qancin, mana aysan arkin waxa uu madaxweynaha u sameeyey Hawiye.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa Beesha Hawiye siiyey lix wasiir halka Beelaha kale ay qaateen 5 Wasiir, midaas oo ay ka timaaday Su’aali badan oo ku aadan sida ay Hawiye u mudnaantay in la siiyo wasiir dheeri ah, waxayna midaas keentay inay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha culeys kala kulmaan inay wasiiradii la magacaabay hor geeyaan Golaha shacabka madaama ay culeys badan kala kulmeyn Xildhibaan badan oo tilmaamay in magacaabista wasiirada ay ka hor timaaday hab qeybsiga beelaha.

Si kastaba, ugu dambeyntii Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa dhexda u xirtay sidii Baarlamaanka loo dhaafin lahaa wasiirka dheeriga ah ee la siiyey Beesha Hawiye, waxayna guul weyn ka heleen Baarlamaanka Soomaliya.

Markii midaas laga soo gudbay, haddana Madaxweyne Farmaajo wuxuu sameeyey arrin kale oo ay dad badan wax iska waydiiyeen markii uu Madaxweynaha isbadal ku sameeyey taliyayaashii ciidamada markaas oo loo badiyey Hawiye.

Beesha Hawiye ayaa la siiyey Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya iyo Taliyaha nabad sugidda oo loo kala magacaabay General Axmed Maxamed Jimcaale (General Cirfiid), iyo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ah laba shaqsi oo kasoo jeedo Beesha Hawiye.

Tallaabadaan uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ayaa noqotay markii ugu horeysay ee dhawaanahaan Hawiye la isugu daro Taliyaha ciidamada Xoogga (Militariga) iyo Taliyaha Nabadsugidda, midaas oo muujineyso in gacanta loo geliyey ciidamada Soomaaliya beesha Hawiye, inkastoo ay iyagana ku doodayaan in ciidamada ugu badan ee dowladda iyaga ay yihiin isla markaasna ay mudan yihiin in sidaas loo sameeyo, maadaama askarta ugu badan ee dowladda ka dhimaneyso ay kasoo jeedaan Hawiye.

Xilalka kale ee Beesha Hawiye heystaan waxaa kamid ah Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maareeyaha Dakadda Muqdisho, Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya, xilka Ra’isulwasaaraha oo ay hab qeybsi beeleed ku heleen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ay deegaan ahaan ku heleyn iyo xilal kale oo aan halkaan kusoo koobi karin.

Iyadoo intaas loo sameeyey, haddana ma jirto ilaa hadda beel aan Hawiye aheyn oo madaxweyna si toos ah uga hor imaaneyso, midaas waxayna noqoneysaa sumcad darro iyo qaran dumis, waxaana wax laga xumaado ah in beeshii uu Madaxweynaha qurxiyey ay ka dhib badnaato beelihii kale ee iyaga wax ka maqnaayeen.

Sidaas Darteed Beesha Hawiye waxaa la gudboon inay culeyska ka qaadan Madaxweyne Farmaajo isla markaasna ay ogolaadaan inay Soomaaliya horey u socoto, kana gudubto sheekada qabiilka loona gudbo sidii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa inaysan Soomaaliya ku laabaan wixii horey usoo dhacay.

marka aan sidaas leeyahay ha u fahmin inaan ahay shaqsi kasoo jeedo Beel Kale, balse waxaan ahay Hawiye, Macquulna maahan inaan Beesheeda ku taageero dumiska qaranimda Soomaaoya iyo ka hor imaadka Farmaajo oo ah madaxweyne ay shacabka ka leeyihiin rajo weyn.

Taariikhda way qori doontaa, cidda sababta u noqoto inay Soomaaliya ka dhaqaaqi weyso halka ay maanta Joogto, waxaana Farmaajo ugu baaqi lahaa inuu si hoose oo wadahadal ah ugu sheego abaalka uu Hawiye u sameeyey isla markaasna ka codsado inay joojiyaan mucaaradnimada.

Muddo 8 Sano oo xiriir ah ayey Hawiye ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, marka laga hadlayo dhabtana ma jirin culey weyn oo beelaha kale uga imaanayey, maatana waxaa wax laga xumaado ah in Hawiye oo ay dowladda Marti ugu tahay Caasimadda ay noqdaan kuwa ugu horeeyo ee mucaarado.

Ugu dambeyntii waxaan leeyahay Farmaajo wuu u roonaaday Hawiye welina qeyladooda way socotaaa!!!!!

W/D: Cabaas Cali Xasan (Xaliye)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET