26.8 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Qarax culus oo ka dhacay Sh/Hoose xili uu madaxweynaha ku sugan yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose kaa oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan DFS.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay degaan lagu magacaabo Kabtaan laas oo ku yaalla duleedka degaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa 2 Askari, halka uu sidoo kale dhaawac kasoo gaaray 3 kale oo ka tirsan ciidamada Militeriga.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in meydka iyo dhaawaca ciidmada laga soo qaaday deegaanka Kabtaan laas oo ku yaalla duleedka degaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari ayaa la sheegay inuu ka dhacay Kontorool ay joogeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa shacay xili Gobolka Shabellaha Hoose uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo.

Ma jirto cid ka hadashay Qaraxa waxaase jira warar sheegaya in Gobolka Shabellaha Hoose ay ka buuxan gaadiid miineysan oo lagu carqaladeynaayo Amniga.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News