Guddoomiyaha Midowga Africa oo magaalada Muqdisho u yimid labo arin (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray guddoomiyaha midowga Africa ee dhawaan lagu doortay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Moussa Faki Mahamat guddoomiyaha midowga Africa ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo wakiilka AU ee Soomaaliya ayaa dhankooda tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxayna dhamaantood soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee Midowga Africa.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Muqdisho u yimid labo arin oo kala ah xaaladaha guud ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga badali lahaa howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Wakiilka ayaa garoonka diyaaradaha kulan kooban kula qaatay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana uu kadib kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Waa safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii lagu doortay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com