Guddoomiyaha NO.50 oo afka furtay, sheegeyna in uusan ka tirsaneen dowladda oo uu difaacayo qabiilkiisa

Afgooye (Caasimada Online) Guddoomiyaha deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa caawa sheegay in uu ka baxay dowladda, isagoona eed u soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dagaalada ka socda deeganka uu maamulka ka ahaa oo hadda laga saaray isaga iyo maamulkiisa.

“Waxaan caawa idiin sheegayaa in wax dowlad la dhaho aysan ka jirin Soomaaliya, meesha qabiil ayaa socda, qof kasta qabiilkiisa ayuu hoosta kaga jiraa annigana qabiilkeyga ayaan difaacayaa, caalamku waxaan u sheegayaa in dowladda Xasan Sheekh ay fashilntay” ayuu yiri Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo ah guddoomiyaha deeganka Lambar 50.

Wuxuu sheegay dowladda in ay hubeysay beesha Habar-gidir si loo xasuuqo beesha uu ka soo jeeda ee Biiyomaal mana dhaceysa ayuu yiri.

“Annaga beesha Habar-gidir waan iska celineynaa, waa ognahay in qaab ciidan nalgu leynayo laakin ma dhici doonto haddii Maraykan naloo soo adeegsado waan iska celineynaa” ayuu markale yiri guddoomiyaha Lambar 50.
Ugu dambeyn guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in guryo badan oo deeganka ku yaalay la gubay markii la bililiqaystay kaddib sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, deeganka ilaa caawa waxaa ka socday dagaallo goos goos ah, waxaana la arkayay guryo lagubanayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com