Rasaas caawa ka socota MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu goordhow noo soo sheegay wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho,waxaa magaalada caawa laga maqlay rasaas xooggan, taasoo aan la ogeyn waxa dambeeya.

Xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeenley ayaa laga maqlay rasaas xooggan oo uu ku jirro qoriga buusukaha, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ilaa muddo 30-daqiiqo ayaa la sheegay xabadda in ay ka socotay xaafadaas, mana cadda khasaaro ka dhashay.
Rasaasta ayaa u muuqatay in ay u dhexeyso labo ciidan sidaas waxaa noo sheegay goojoogaha noo warramay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo rasaas laga maqlo magaalada Muqdisho, saakay ayey ahayd markii magaalada laga maqlay labo qarax oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay askari ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com