Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo wadnaha farta ku haya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yariisow ayaa la imaan doona Guddoomiyayaal cusub oo kala shaqeyn kara howlaha Qaran ee loo igmaday.

Yariisow ayaa la sheegay in magacaabidiisa kadib loo gacan galiyay shaxda dhismaha maamulka Degmooyinka, waxaana lasoo warinayaa in daaqada ay ka baxayaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka, isla markaana lagu bedeli doono kuwo cusub.

Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo iminka ay lasoo daristay cabsi dhanka xilkooda ah, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay is garabtaagen Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit.

Sidoo kale, Guddoomiyayaasha ayaa waxaa kamid ah qodobada ay xilalkooda ku weyn doonaan inay habeenimadii xalay Xarunta Dowlada Hoose ay ku doorteen Guddoomiye Taabit oo xilkaasi loo caleema saaray inuu sii heyn doona muddo laba sano ah.

Geesta kale, waxaan la ogeyn shaqsiyaadka loo magacaabi doono Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ee uu magacaabi doono Eng Yariisow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com