Afar qalad oo waaweyn oo ku jiro xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa  goor dhow soo saaray qoraal xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ahaa Wasiirka Warfaafinta.

Haddaba Magacaabistaan iyo xil ka qaadista dhacday ayaa durba waxaa laga calaamadeeyey qaladaad ku jiro.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Afar qalad oo Magacaabistaan ku jirto

1) Guddoomiye Thaabit xilka lagama qaadin: Qoraalka kasoo baxay Madaxweynaha laguma sheegin in xilkii laga qaaday Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed, taas badalkeeda kaliya waxaa la sheegay magacaabis cusub, waxayna aheyd in marka hore guddoomiyaha xilka laga qaado kadibna midka cusub la magacaabo.

2) Degreeto Madaxweyne: Xil magacaabistaan kuma aysan soo bixin Degreeto Madaxweyne, sidoo kalana Email-ka rasmiga ah ee Xafiiska war Faafinta Madaxtooyada lagama soo dirin

3) Wasiirka Arrimaha Gudaha waxba kalama socdo: Qaladka ugu weyn ee muuqdo ayaa ah inuusan arrintaan ka war qabin wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana kaliya qoraalka soo baxay lagu sheegay inay soo jeedin sameysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkii ay aheyd inuu soo jeedin sameeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Ra’isulwasaare Kheyre si cad uga diiday inuu soo saaro soo jeedin uu ku dalbadanayo in xilka laga qaado Guddoomiye Thaabit, waxaana muuqato in magacaabistaan loo isticmaalay Magaca Wasaaradda iyadoo uusan raali ka aheyn Wasiirka.

4) Eng. Yariisow Xilkii Wasiirnimo weli wuu hayaa: Eng. Yariisow oo ah Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay Duqa Muqdisho weli xilkii Wasiirnimo wuu hayaa, mana la sheegin in laga qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com