Faahfaahin ku saabsan Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qof ayaa ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay albaabka hore ee xarunta Jaamacadda Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.

Qarax oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa goobta ka dhacay iyadoo dad shacab ah ay ka ag dhowaayeen, waxaana ku dhintay qof rag ah oo dadka soo barakacay ka mida, waxaaa ku dhaawacmay haweeney kale oo goobta mareysay.

Qaraxa oo laga maqlay degmooyin ka mida Gobolka Banaadir ayaa la soo weriyey inaysan jirin cid ka tirsan dowladda oo lala beegsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo muddo xiray isla markaana baaritaan ka sameeyay.

Ma jirto cid sheegatay, lamana ogeyn cida loola dan lahaa in lagu qarxiyo, iyadoo uu haleelay dad shacab barakacayaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com