Bankiga IBS oo soo Bandhigey adeeg Cusub oo loogu Magacdarey (IBS Online Bank)

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Munaasabad lagu soo bandhigayey Adeeg Cusub  oo uu soo Kordhiyey Bankiga Caalamiga ah ee IBS (Intenational Bank  Somalia kaasoo loogu Magacdarey IBS Online Bank  waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Masuuliyiin , Ganacsato, Shirkadaha Ganacsiga, Ganacsatada yaryar iyo Marti Sharaf kale.

Munaasabada oo ka dhacdey Xarunta Bankiga ee Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa ugu Horeyntii ka Hadley Cabdulaahi Sabaax oo ah Maamulaha Guud Bankiga IBS waxaa uu faahfaahiyey adeega Cusub ee Bankiga ee IBS Online Bank   waxaana uu yiri isagoo Sharaxay “Waxaad awood u yeelaneysaa inaad heshid dhamaan baahidaada bangiyeed (Free for All Banking Service) sidoo kale La socodka haraaga ama xisaabtada (Balance).Waxaa ka;e uu kuu sahlayaa La socodka dhaqdhaqaaqa Shirkada iyo maareynta Kharashaadkeeda (Transaction validations) waxaa kale oo adeeaga ka mid ah Bixinta biilasha sida Mushaaraadka, Korontada, Biyaha, Jaamacada, iskuulka iyo waxii la mida (Bill Payments) waxaa uu Intaas uu sii raaciyey Maamulaha Guud.

“Sidoo kale waxaa Bankiga IBS kuu Fududdeynayaa Lacag dirista gudaha ama dibadda (Inward and outward Transfer) sidoo kale waxaa uu kuu sahlayaa Maamulida Isticmalyaasha adeega (User Management) sidoo kale waxaa uu Bankga uu Diyaar kuula yahay Sarifka lacagaha (Exchange and Rates) iyo in aad Dhamaan Lacagaha Bankiga kuu yaal”|

Xubnihii kale ee ka Hadley soo bandhiga Adeegaas waxaa ka mid ah Maxamed Faarax Siyaad oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka mid Noqdo Macaamiisha Bankiga waxaa uu ku tilmaamey Bank-ga IBS Banki La Aamini karo oo kuu Fududeynaya adeeg kasta oo aad uga Baahato.

Nuur Maxamed Cismaan oo ah isku Xiraha  Bankiga IBS oo ka Hadley Munaasbadaas  ayaa waxaa uu sheegey in Bankiga IBS uu yahay Banki Caalami ah oo kuu sahlaya howl kasta oo Bankiga oo aad uga baahato Dalka Dibadiisa iyo gudihiisa maadaama uu ku shaqeynaya Hab casiga ah oo la jaan qaadaya Qaabab aduunka Maanta uu ku shaqeeyo
Cabdirisaaq Warsame oo ka mid ah Milkiilayaasha Bankiga IBS oo ka Hadley Munaasbadas lagu soo bandhigayey Adeega bankiiga uu ku soo Kordhiyey ee uu ugu talagaley Macaamiishiisa faraha bandan ayaa waxaa uu sheegey in Bankiga uu waayadaan wadey adeegyo fara badan waxaana ugu soo horeeya adeega Mobile System kaasoo Bulshada u sahlayaa in ay Mobil-kooda ku adegsadaan  sidpo kale waxa uu sheegey in dhawaan Bankiga uu hirgelin doona adeega MasterCard waxayna Munaasbadaas ku soo Gabagabowdey Qaabkii loogu tala galey  .

Halkaan kaDaawo Habka isticmaalka adeega Onlin Bankhttps://ebank.ibosbank.com/ebanking/login.aspx
Halkaan ka Daawo Munaasbada lagu soo bandhigayey Adeegaas
https://www.youtube.com/watch?v=k0guO64nPls

KADAAWO  BANDHIGEY ADEEG CUSUB OO LOOGU MAGACDAREY (IBS ONLINE BANK)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com