Magacyada Iyo Qabiillada Ay Kasoo jeedaan Shakhsiyaadkii Loo Magacaabay Guddoonka Gobolka iyo.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-habeenimadii xalay ahayd ayaa Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku-xigeenadiisa Gobolka.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Guddoomiye cusub iyo ku-xigeenadiisa waxa ayna u qorneyd wareegtada sida tan.

Halkaan hoose ka aqris Magacyada Iyo Qabiillada Ay Kasoo Jeedaan Shakhsiyaadkii Loo Magacaabay Guddoonka Gobolka

1- Mudane Cabdiraxmaan Cumar Eng. Yarisow (Beesha Abgaal Wacbuudhan Daa’uud)

2-Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada (Beesha Habar Gidir -Sacad)

3-Hussein Mohamed Nur Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada (Beesha Murusade -Sabti -Israafiil)

4-Marwo Basma Omar Ahmed Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta (Beesha Reer Xamar Camuudi)

5-Aadan Sheikh Cali Fidow Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud (Maxamuud Hiraab Duduble)

6-Cumar Abdirisaak Xuseen Xoghayaha Guud ee gobolka (Beesha Xawaadle)

Dhamaan Xubnahaan loomagacaabay waxa ay isugu jiraan kuwa kasoo shaqeeyay xafiisyada ugu sareeya dalka, gaar ahaan kan madaxwaynaha iyo kan raiisul wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com