25.3 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Guddoomiyayaasha labada Aqal ee baarlamanka oo lagu dhawaaqay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ee maanta la dhaariyey ayaa doortay laba guddoomiye oo kala hogaamin doona Aqalka Sare ee Baarlamanka iyo Aqalka Hoose inta doorashooyinka rasmiga ah ee hoggaanka labada Aqal ay ka dhacayaan.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Hoose ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore kadib markii uuu noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Dhinaca Kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Raagge oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay Hirshabeelle ayaa noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Sare, sidaasna ku noqday guddoon KMG ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News