27.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Beesha caalamka oo si cad u diiday go’aanadii madasha iyo 2 qodob oo ay si gaar ah u xustay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa si adag u diiday ugana hor timid go’aanadii shalay kasoo baxay Madasha Qaran ee lagu kordhiyay tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Qoraal ay soo saareen wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay in go’aanka Madasha Qaran ku kordhiyeen tirada Aqalka sare uu yahay mid ka horjeeda Dastuurka KMG ah, go’aanka noocaas ahna uu qaadan karo oo kaliya Baarlamaanka cusub kadib doorashada madaxda sare ee dalka.

Beesha Caalamka waxay kaloo si cad uga hor timid in xildhibaanno ku soo baxay laaluush, awood sheegasho, tacadiyo iyo qalalaase ay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxayna madaxda Madasha Qaran ku eedeysay inaysan daacad ka hayn hufnaanta nidaamka doorashada oo ay hore u balanqaadeen.

Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa ka dalbatay Baarlamaanka cusub inuu waqti u sameeyo doorashada Madaxda dalka oo lagu qabto inta ka horeysa 19-ka Janaayo oo Golaha ammaanka ka shiri doono arrimaha Soomaaliya.

Wakiilada Beesha caalamka iyo madaxda Madasha Qaran ayaa u muuqda inay isku dhacsan yihiin, inkastoo qoddobo badan oo Beesha caalamka ay dooneysay laga gudbay xilligan.

Hoos ka Aqriso qoraalka oo dhameystiran

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan go’aano dhowr ah oo ay ku dhawaaqday Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) kuna soo saartay war-murtiyeedkeedii ku-taariikheysnaa 24 Disembar 2016.

Kulanka maanta lagu dhaarinayo Baarlamaanka Federaalka waa tallaabo horey loo qaaday. Hasee yeeshee, saaxiibada beesha caalamku waxay jeclaan lahaayeen inay arkaan in geedi-socodka doorashadu uu horay u sii socdo laguna galo 54ka kursi ee Aqalka Sare ee hadda jirta, sida ku qeexan Dastuurka Ku-Meelgaarka ee Soomaaliya. Wixii wax ku kordhin dheeraad ah oo lagu sameeyo Aqalka Sare waa in laga fikiraa oo laga baaraandegaa oo keliya kadib marka doorashada madaxweynaha lagu qabto baarlamaanka federaalka cusub, loona maro hanaan dastuuri ah oo sax ah.

Saaxiibada beesha caalamku waxay garowsadeen warmurtiyeedka MHQ ee 26 Disembar ee shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka loogu asteeyay inay maraan wareeg cusub oo codeyn ah. Laakiin tallaabadani waxay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhowr ka mid ah dacwadihii kale ee ku takrifalka hanaanka doorashada ee aadka u xumaa, oo ay ka midyihiin kuraasta loo qoondeeyay musharaxiinta haweenka ah oo keliya ee ugu dambeyntii qaateen musharaxiin rag ah.

Go’aanka MHQ ee lagu buriyay dhammaan go’aanadii guddiyada doorashada dalka ay doorashada kaga reebeen musharaxiin lagu eedeeyay inay geysteen ku-takrifal iyo wax isdabamarin ayaa ka dhigan cafis buuxa oo loo fidiyay kuwii geystay qaar ka mid ah wax isdabamarinadii ugu cad-caddaa ee la arkay intii uu socday geedi-socodkan doorasho. Wuxuu sidoo kale ka soo horjeedaa ballaanqaadkii adkaa ee Dowladda federaalka ay ku gashay inay dhowrto ku dhaqanka sharciga.

Haddii musharaxiintan loo ogolaado inay ku fariistaan kuraastooda baarlamaanka tobanaad ee Soomaaliya, taasi waxay su’aal gelinaysaa ballan-qaadkii ay muujisay MHQ ee ku aaddanaa mabaadi’da islaxisaabtanka iyo ku-kalsoonaanta oo saldhig u ah geedi-socodka guud ahaan. Sidoo kale, waxay wiiqi doontaa xeerka anshaxa ee ay saxiixeen dhammaan musharaxiinta baarlamaanka oo looga dan lahaa in la simo goobta tartanka laguna xaqiijiyo in la helo geedi-socod lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u rumeysanyihiin inay lagama maarmaan tahay in mar kale lagu celiyo doorashada kuraasta ay natiijada codayntooda si cad loo weeciyay iyadoo la adeegsanayo gacan ka-hadal, musuqmaasuq, cagajuglayn, gudbin ergo doorasho oo aan sharci ahayn iyo in lagu fashilmay in saddexdii kursiba mid si gaar ah loogu asteeyo musharaxiinta  haweenka ah oo keliya.

Saaxiibada beesha caalamku waxay baarlamaanka federaalka ugu baaqayaan inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u soo saaro jadwal lagu dhamaystirayo geedi-socodka si loo doorto Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada baarlamaanka federaalka ee cusub, iyo Madaxweynaha Federaalka. Jadwalkani waa in si dhab ah loo dhaqangeliyaa si looga fogaado dib u dhac dambe oo ku yimaada geedi-socodka doorashada oo ahayd inuu soo dhammaado horaantii sanadkan. Waxaa jirta baahi gaar ah oo loo qabo in geedi-socodka si dhakhso leh loo soo afmeero iyadoo lagu xisaabtamayo shirka soo socda ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ka yeelanayo Soomaaliya kaas oo lagu tala jiro in la qabt 19 Janaayo 2017.

Saaxiibada beesha caalamku waxay rumeysanyihiin in sharafta iyo sumcadda geedi-socodka doorashada 2016 ay tahay mid aan la hubin siday noqon doonto. Dib u dhacyo kale iyo in lagu guul daraysto in lala xisaabtamo dhinacyadii geystay ku-takrifalka iyo wax isdabamarinada aadka u daran waxay wax u dhimmi doonaan awoodda iyo rabitaanka beesha caalamka ee la-shaqaynta dowladda federaalka ah ee soo socoto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News