Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Munaasabada dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia.
Munaasabada ayaa waxaa qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada waxaana suuragal ah inuu ka qeybgalo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.
Xildhibaanada la dhaarin doona ayaa waxaa u badan kuwo cusub oo laga soo doortay Gobolada dalka kuwaasi oo intooda badan aqoon buuxda u laheyn magaalada Muqdisho.
Mid kamid ah Saraakiisha ku howlan Amniga Xarunta ay dhaarinta ka dhaceyso ayaa xaqiijiyay inay baadi-goob ugu jiraan Xildhibaano dhowr ah oo ka lumay Xarunta ay ka dhaceyso dhaarinta.
Sargaalkaani waxa uu intaa ku daray inay sameeyen Ciidamo looga maarmi waayay in Xarunta ay ka dhaceyso dhaarinta ku hagaan Xildhibaanada Cusub, gaar ahaan kuwa laga soo doortay Gobolada.
Sargaalkaani waxa uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay kasoo qabteen Isgooysyada Lambar Afar iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Sargaalka waxa uu sidoo kale sheegay inay soo qabteen Ilaa 11 Xildhibaan oo ka habaabay Xarunta, sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa imaaneysa xili Xildhibaanada lagu soo doortay magaalooyinka Kismaayo, Garoowe iyo Jowhar ay yihiin kuwo badi aan horay usoo gaarin magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

