Guddoomiyayaasha labada aqal ee BF Somalia oo gaaray Garoowe + Qorshaha

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Garooowe ee Caaasimada Maaamulka Puntland maanta gaaray wafuud ay kala hogaaminayaan Guddoomiyayaasha labada aqal ee barlamaanka DFS Maxamed Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi C/laahi.

Labada Guddoomiye ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada Gole, waxaana intaa kadib loo galbiyay Madaxtooyada maamulka.

Waxaa labada Guddoomiye socdaalkooda ku wehlinaayay xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia kuwaasoo kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Puntland ayna kala hadlaan arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Labada Guddoomiye iyo wufuuda ay hogaaminayaan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka qaybgalaan kulanka 49aad ee gollaha barlamaanka Puntland, kaasi oo maalinta beri furmi doona.

Waxaa kulankaasi si rasmi ah u furi doona Hogaamiyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo labada Guddoomiye oo ay kala wehlin doonaan Xildhibaanada la kal socda.

Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyaha Golaha barlamaanka Federaalka ayaa waxa uu noqonayaa safarkiisa Garoowe kii ugu horeeyay tan iyo wixii ka danbeeyay guushiisa labaad ee uu ku noqday Guddoomiyaha baarlamaanka.

Geesta kale, labada mas’uul ayaa halkaa kulan khaasa kula qaadan doona Hogaamiyaha maamulka waxa ayna xalin doonaan Khilaafka Gaas kala dhexeeya ku-xigeenkiisa iyo kan Dowlada Dhexe oo isna gaarsiisan meel fog.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com