Warqad caddeyneysa in boqoradda Ingiriiska ay aqbashay safiir Ceynte

London (Caasimadda Online) – Waxaan horey idinla wadaagnay warbixin ku saabsaneyd inuu is casilay Safiirkii Soomaaliya ee dalka Ingiriiska Cabdiraxmaan Ceynte.

Waxaa jiray warar kala duwan oo kasoo baxayey sababta keentay inuu is casilo, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu isku casilay kadib markii ay dowladda Ingiriiska ka aqbali weysay magacaabistiisa.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay waraaq caddeneyso in Boqoradda UK Queen Elizabeth II ay aqbashay warqadaha safiirka Soomaaliya ee UK 29-kii June, 2017-kii.

Mr. Ceynte waxaa uu  iska casilay safaaradda Soomaalida ee UK isaga oo sababta ku sheegay arrimo la xiriira dowladda federaalka ah oo bixin-weysay miisaaniyaddii loogu talagalay furitaanka safaaradda sida uu u sheegay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay inuu shaqo ka helay xafiiska qaramada midoobey ee bariga dhexe isaga oo loo magacaabay agaasimaha qorsheynta iyo dejinta siyaasadaha.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqdaas: