Faahfaahin ku saabsan qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Caasimadda Online) – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu geystay Ruux la sheegay in uu gaari gacan ku waday waxyaabaha Qarxa.

Saraakiisha Ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in qofkaasi uu ku qarxay Afaafta hore ee Saldhiga.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale waxa ay Saxaafada u sheegeen in Ruux isasoo miidaamiiyay uu isku qarxiyay Afaafka hore ee Saldhigga Bartmaha Boosaaso isla markaana uusan geysan wax khasaaraha.

Waxaa uu sidoo kale jira dhaawacyo aan badneyn oo fudfudud.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay joojiyeen ninka isqarxiyay , islamarkaana uu diiday kadibna uu qarxay.

Sidoo kale Saraakiishu waxa ay sheegeen in Ruuxa Ismiidamiyay uu watay Gaari Gacan ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa balse ay ciidamadu ka shakiyeen markii la joojiyayna uu isqarxiyay.

Xaalada Magaalada Boosaaso ayaa xoogaa jahwareer gashay waxaana haatan Wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in ay si caadi ah ku soo laabatay Goobtii uu qaraxa ka dhacayna ay ciidamada Puntland xireen.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com