Turkiga oo dhakhtar 3aad usoo diray dhaawacyada yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’ad Kheyri ah oo ku dhisan dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay Dhakhtar seddexaad usoo dirtay Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb qaato daaweynta dhaawacyadii Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska 14 October (Ex Zoobe) .

Dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee Dalka Turkiga ee marka Magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan  (DWWT) ayaa horey Magaalada Muqdisho ugu soo diray laba dhakhtar  markii 14 October qarax xooggan ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen 358  halka 228 kala ay ku dhaawacmeyn.

Maalin kadib qaraxaas, dowladda Turkiga ayaa Diyaarad militari usoo dirtay Soomaaliya taasoo ay saarnaayeen baabuurta gargaarka deg deg ah ee (Ambalance) si ay halkaas u geyso Dhakhaatiir iyo daawo deg deg, sidoo kalana waxay Muqdisho kasoo qaaday dhaawacyo la geeyey dalka Turkiga.

Dhakhtar ku takhasusay Plastic Surgeon, mid ku takhasusay General Surgeon oo ka socday hey’adda DWWT ayey kala ahaayeen Dhakhaatiirtii horey loo geeyey Muqdisho, waxaana sidoo kale diyaaradda saarnaa Wasiirka Caafimaadka iyo xubno ka socday Hey’adda la tacaalidda Musiibooyinka deg deg ah ee loo yaqaan Turkey’s Disaster and Emergency Management Authority (AFAD).

Diyaaradda ayaana dalka Soomaaliya kasoo qaaday ilaa 35 dhaawac oo ahaa kuwii ugu liitay, iyadoo la kala geeyey 6 Isbitaal oo ku yaalo Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

” Sida ay soo dalbadeen Maamulka Recep Tayyip Erdogan Hospital ee Muqdisho ku yaal, waxaana dirnay laba dhakhtar oo khasasuskooda ahaa Plastic surgeon iyo  General Surgeon si ay u daaweeyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxii dhacay” ayaa lagu yiri War saxafaadeed kasoo baxay hey’adaas.

” Dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee Turkiga waxay Isniintii Muqdisho u dirtay dhakhtar ku takhasusay Cudurada Haweenka Gynecologist, si uu uga qeyb qaato daaweynta haweynka ku dhaawacmay qaraxaas, wuxuuna joogi doonaa halkaas ilaa 8 November” ayaa la sii raaciyey qoraalka kasoo baxay Hey’adaan.

Dowldda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka jawaabto musiibadii ka dhacday Muqdisho, waxayna dagtay Qalbiga Shacabka Soomaaliyeed oo hadda u arko inuu yahay wadanka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com