Xog: Cabdiraxmaan Yuusuf Caynte oo iska casilay xilka safiirka Soomaaliya ee UK

Muqdisho (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa heshay warbixin ku saabsan inuu Cabdiraxmaan Ceyne oo iska casilay Xilkii Safiirnimo ee dalka Ingiriiska, waxa uuna warqaddiisa iscasilaadda u diray Wasaaradda arrimaha Dibadda, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Kan Madaxweynaha.

Sababta uu uga tagay xilkiisa ayuu ku sheegay arrin isaga gaar u ah mana jirto faahfaahin intaas ka badan oo uu bixiyey Wasiir Caynte.

C/raxmaan Caynte oo horey usoo noqday Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa Bishii June ee sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee UK.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa Idaacadda goobjoog u sheegay inuu shaqo ka helay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Bariga dhexe

Mr. Caynte  waxaa xilkan u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo bishii June ee sanadkan, lamana oga waxa uu shaqada uga tagay 4 bil kadib.

Saddexda Danjire ee uu Madaxweynaha magacaabay Bishii June Ayaa Kala Ahaa:

  1. Jaamac Cabdullahi Maxamed( Jaamac Caydiid) oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga. Jaamac ayaa ah waji ku cusub siyaasadda gaar ahaan hawlaha dibloomaasiyada, wuxuuna ka tirsanaa ololihii Madaxweyne Farmaajo. Jaamac ayaa hore ugu hungoobay in uu ka mid noqdo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Kheyre.
  2. Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa loo magaacabay safiirka Soomaaliya ee UK. Caynte waxa uu ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladii ee madaxweynaha ka ahaa mudane Xasan SheekhMaxamuud, waxaana lagu tiriyaa in uu yahay saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.
  3. Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle). Abuukar ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Qaramada Midoobay (UN) u joogi doona Soomaaliya. Abuukar ayaa 3 biloodoo keliya ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, isagoo sidoo kale ahaa Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xilligii uu Farmaajo ahaa Ra’iisal Wasaaraha dawladii Madaxweyne Shariif SheekhAxmed. Waxaa isagana lagu tiriyaa saaaxiibada ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com