Magaalada Kismaayo oo lagu qabtay Asbuuca iyo dhaqanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta maamul Goboleedka Jubblanad ayaa lagu qabtay barnaamij asbuuc socday oo ku saabsanaa dhaqanka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa la isugu soo dhaweenayey dhallinayarada qurbaha ka imaatay iyo kuwa Kismaayo joogo si ay isku yeeshaan dhaqankooda.

Dhallinyaro isugu jiray haween iyo rag ayaa kasoo qeybgalay barnaamijkaan, waxayna sheegeen inuu ahaa mid ay wax badan ka faa’ideen waxayna arrintaas uga mahadceliyeen Maamulka Kismaayo iyo Wasaaradda Dhallinayarada iyo Sports-ka.

Intii uu socday Barnaamijkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabo badan oo ku saabsan dhaqanka Soomaaliya, Sugaan iyo waxyaabo badan.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada