Xaaladda dhaawacyadii la geeyey Turkiga, nooca dhaawac iyo daryeelka ay heleen + Magacyada (Qeybta Labaad)

Ankara (Caasimadda Online) – Safaaradda Soomaaliya ee Anakara Turkey ayaa mid mid usoo booqatay dhaawacyada qaraxii Zoob ee lagu dabiibayo Magaalada Ankara, Intiinii la socotayna waxaan shalay idiin soo gudbinay 18 kamid ah 34 dhaawac ee yaalo dalka Turkiga kuwaas oo ku dhaawacmay Qaraxii Musiibada ahaa ee ISGOYSKA 14 OCTOBER ka dhacay.

Guud ahaan Bukaanada waa 34 Bukaan waxay ku jiraan oo loo kala qeybiyay ilaa iyo lix Isbitaal, Safaaradda Soomaaliya ayaana shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay qeybta ugu horeyso warbixinada dhaawacyada oo looga warbixiyey ilaa 18 Bukaan taasoo aan shalay idinla wadaagnay, haddii ay ku dhaaftana waxaad ka akhrisan kartaa qeyta hoose.

Cabdulqaadir Maxamed Xuseein (Barqadle) oo ah Xoghayaha labaad ee Safaaradda Soomaaliya Turkiga oo ay u xilsaartay ka warqabka xaaladda bukaanadaan ayaan ka helnay  dhameystirka warbixintii ku saabsaneyd dhaawacyadaas, wuxuuna Maanta  Caasimadda Online usoo gudbiyey  xogta16 Bukaan oo harsanaa.

Cabdulqaadir ayaa si dhow uga warqabo xaaladaha caafimaad ee dhaawacyadaas, waxaana loo xil saaray inuu dhaawacyada la socdo xaaladahooda, u fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin isla markaasna uu ka caawiyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel Caafimaad oo dhameystiran.

Xogyahaya labaad ee safaaradda Cabdulqaadir ayaa si joogto ah u booqdo dhaawacyadaas oo la kala geeyey Isbitaalo kala duwan.

Ugu Horreyntii Cabdulqaadir ayaa sheegay in 16 dhaawac ee harsaneyd ee kala jiifaan ilaa afar Isbitaal oo ku yaalo Ankara.

Numune Hospital ayaa ah isbitaalka labaad ee ugu badan ee la geeyey dhaawacyada la keenay Turkiga, waxaana ku jiro ilaa iyo 9 bukaan kuwaas oo kala ah:

1) Ahmed Ali Mohamed waa 22 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray Madaxa, Wajiga iyo indhaha, waxaa qaliin loogu sameeyay indhaha mid ka mid ah waana lagu guuleystay midda kalana daawo ayaa ku socoto, madaxiisa waa uu fiyowyahay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay inkastoo lagu xanaaneenaayo qeybta gargaarka degdega, waxaa la socdo walaalkiis Dahir Ali Mohamed.

2) Ismail Ibrahim Mohamed waa 54 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray dhinaca madaxa qeybta maskaxda waxaa ku soo dumay guri ka agdhawaa meesha uu qaraxa ka dhcay waxaa lagu sameeyay qaliin waana lagu guuleystay, koomadii waa uu ka soo baxay ogaalkiisana waa uu fiicanyahay inkastoo uusan kula hadleenin balse waxaa wali lagu hayaa qeybta gargaarga degdega, waxaa la socdo Mohamed Abdullahi Osman.

3) Ahmed Sahal Iidow waa waa 65 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray Caloosha, Daanka iyo Lugaha, daanka opretion loogu sameeyay waxaana ay sheegeen in Plastic loogelin doono, Caloosha waa laga tolay mid ka mid ah lugaha waa lagooyay mida kalana aad ayay u fiicantahay balse waxa uu qabaa sokor iyo dhiig kar xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waana uu sheekeenaayaa wuuna fiicanyahay waxaa la socdo wiilkiisa Abrisak Ahmed Sahal, waxaa kaloo soo booqday oo halkaan wax kabarto wiilkiisa kale Abdirashiid Ahmed Sahal, xaaladiisa caafimaadna waa ay ka soo roonaanaysaa sidi hore.

4) Aweys Ali Ahmed 53 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig waxaana loogu sameeyay qaliin waana loo kabay, garbahana dhaawac yar ayaa ka soo gaaray waa laga daaweeyay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay musqushiisa iyo weysadiisa asaga ayaa toos u aado waxaa la socdo Dahir Ali Mohamed.

5) Bashiir Dahir Mohamed waa 33 jir,  dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig wayna ka burburtay waana laga jaray, waxuu kaloo ka gubtay wajiga gacata bidix iyo lugta bidix waa la dhayaa si caadi ahna waa uu u socdaa, xaaladiisana waa ay roontahay waxaa la socoto Ruqiya Warsame Abdulle.

6) Bashiir Dahir Mohamed waa 33 jir,  dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig wayna ka burburtay waana laga jaray, waxuu kaloo ka gubtay wajiga gacata bidix iyo lugta bidix waa la dhayaa si caadi ahna waa uu u socdaa, xaaladiisana waa ay roontahay waxaa la socoto Ruqiya Warsame Abdulle.

7) Ahmed Siyaad Abdi waa 60 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray, madaxa garabka midig iyo lugta bidix ciribteeda, waxaa lagu sameeyay qaliin garabka ah waa loo kabay waxa uu ku jiraa qeybta gargaarka degdega walina waxaa ku socoto daaweyn, waxaa la socdo wiil uu adeer u yahay Nur Mohamed Siyaad.

8) Mahad Ibrahim Salad waa 33 jir, waxa uu ka gubtay jirka intiisa badan gaar ahaan gacmaha lugaha iyo wajiga wax jabiniin ah ma jiro waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn xaaladiisa caafimaad waa ay fiicantahay sifaacanna waa uu u sheekeenaa waxaa la socdo Khadar Ibraahim Siyaad.

9) Saciid Abdi Jeele waa 22 jir dhaawaciisa waa gubasho waxa uu ka gubtay wajiga iyo labada lugood iyo jabniin gacanta bidix ah, waxaa dhaawac uu ka soo gaaray indhaha, qaliin lagu sameeyay kadib mid ka mid ah waa lagu guuleystay midda kalana daawo ayaa ku socoto, gacanta bidixna waa la kabay waxaa la socdo Mohamed Hussein Mohamed.

Sidoo kale bukaanada isbitaalada lageeyay waxaa ka mid ah Gulhane Hospital waxaa ku jiro ilaa iyo 3 Bukaan kuwaas oo kala ah:

1) Ali Diiriye Faarah waa 32 jir waxa uu ka gubtay dhabarka, gacmaha iyo lugaha 19% jirkiisa waa uu gubtay sida ay sheegeen dhaqaatiirta waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay si caadi ah ayuu u socdaa una sheekeenaayaa, waxaa la socdo walaalkiis Duraan Diiriye Faarah.

2) Abdullahi Ali Mohamed inta badan jirkiisa waa uu gubatay sida ay dhaqaatiirta sheegeen 30% waa uu gubtay jirkiisa waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn, subax kasto waxaa loogu qubeeyaa daawo waa uu socon karaa waana uu sheekeen karaa xaaladiisa sidiisii hore waa uu ka soo roonaayaaa balse waxa uu ku jiraa qeybta dadka gubiniinka la geliyo waxaa la socdo Abdullahi Siidow Nuunow.

3) Bile Adan Farah waa 22 jir, dhaawaca waxa uu ka gaaray madaxa waxaana ka galay firir gacanta midigna waa ay ka jabtay balse waa loo kabay gacanta, xaaladiisana waa ay soo yara fiicnaaneysaa waxaa la joogo walaalkiis Burhan Adan Farah.

Diskapi Hospital waxa uu ka mid yahay isbitaalada la geeyay dhaawicii la keenay Turkiga, isbitaalkaan waxaa la keenay ilaa iyo 4 Bukaan, balse labo ka mid ah saaka ayaa laga saaray dhaqaatiirta waxa ay Safaaradda Turkey inoo sheegeen in ay caafimaad qabaan, waxayna kala yihiin:

1) Usaama Abdullahi Mohamed waa 14 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray Daanka iyo Sanka, Daanka waa uu jeexmay, waana loo tolay waxa uuna maray qaliin daanka ah hadda xaaladiisa caafimaad waay roontahay dhaqaatiirtana waxa ay sheegeen inuu caafimaad qabo isbitaalkana laga saari karo balse Wasaaradda Caafimaadka ayaa u diyaarisay meel kale ay ku sii xanaaneeso dadka buskoodo. Waxaa la socdo aabihiis Abdullahi Mohamed Imaan.

2) Mohamud Ali Wehliye waa 54 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray madaxa meesha jeegada dambe waa uuna ka jabay, waxaa lagu sameeyay qaliin waana loo kabay, hadda xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay inkastoo uu qabo sokor, balse dhaqaatiirta waxa ay sheegeen inuu caafimaad qabo isbitaalkana laga saari karo, Wasaaradda Caafimaadka dalkaana waxa ay u diyaarisay meeshii lagu sii baxnaanin lahaa, waxaa la socdo walaalkiis Nur Ali Weheliye.

3) Abdishakour Muxidiin Mahamoud waa 10 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray lugta bidix waxaa maanta loogu sameeyay qaliin lugta ah waana lagu guuleestay xaaladiisa caafimaad waa ay fiicantahay si fiican ayuu kuugu sheekaanaa waa uu niyad fiicanyahay waxaa la socoto walaashiis Fartuun Ahmed Mohamoud.

4) Mumtaz Hassan Ali waa 6 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray labada gacmood labada lugood iyo madaxa haba ugu darneetee lugta midig lowgeeda waa ayna ka jabtay sinta midgna hilib badan ayaa ka maqan, lugtii waa loo kabay, sintana waxa ay sheegeen in meelo kale oo jirkeeda ah in hilib looga soo qaadi doono, sida kale xaaladeeda caafimaad waa waa ay fiicantahay wayna sheekeen kartaa, waxaa la joogo Hooyadeed iyo Aabaheed.

Waxaa kaloo jiro Abdukar Mohamoud Nur  waa 30 jir waxa uu ku jiraa kaligiis Isbitaal la yiraahdo Yuksek Ihtisas Hospital dhaawaca waxa uu ka soo gaaray dhuunta firir ayaa ka galay waana laga saaray waxaana loo geliyay Tubo, xaaladiisa Caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay waxaa la socdo walaalkiis ka ween.

Halkaan hoose ka akhriso Qeybta koowaad ee warbixinada uu nagala wadaagay Xoghayaha labaad ee Safaaradda Turkiga Cabdulqaadir

Xaaladda dhaawacyadii la geeyey Turkiga, nooca dhaawac iyo daryeelka ay heleen + Magacyada