R/W Kheyre oo berri safar ku aadi doono dalka Turkiga iyo ujeedka ka dambeeya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay safar Caalami ah ku tagi doono dalka Turkiga maalinta Arbacada ah ee Berri.

Sida uu sheegay Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga, Kheyre ayaa berri oo Arbaco ah booqasho qaadan doonto ilaa Jimcaha ku tagi doono dalkaas sii uu wax uga soo ogaado xaaladda Caafimaad ee dhaawacyadii la geeyey dalka Turkiga ee ku dhaawacymay Musiibadii 14 October oo galaafatay nolosha 358 qof halka ay ku dhaawacmeyn 228 qof oo kale.

35 Dhaawacyo oo ay ku jiraan ilaa seddex carruur ayey diyaarad Militari oo Turkiga leedahay kasoo qaaday Magaalada Muqdisho si halkaas loogu daaweeyo.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmi doono Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga Binali Yildirim, wuxuuna kulankaas ka dhici doonaa Magaalada Ankara Maalinta Khamiista.

Kulankaas ayaa looga wada hadli doonaa sida uu qorshaha yahay xiriira labada wadan, oo ay ka mid yihiin arrimaha dhaqaalaha, taageerada Soomaaliya ee Turkiga, iyo waxyaabo kale.

Dhanka kale ayaa lagu wadaa inuu booqdo dhaawacyada 35 qof ee Soomaalida ah kuwaas oo la kala geeyey illaa lix Isbitaal, sidoo kalana wuxuu kulan la qaadan doonaa Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga.

Safarka Kheyre uu ku tagi doono dalka Turkiga ayaa waxaa qortay Wakaaladda Wararka ee Anadolu Agency oo soo xigatay Ra’isulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com