Sawirro: Cabsida laga qabo gaadiidka waaweyn oo korortay Qaraxii ka dhacay Zoope ka dib

Muqdisho (Caasimada Online)-Qof haweenay ah oo Soomaaliya ku nool ayaa qori la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna dareewalkii ku amartay in uu joojiyo gaariga si loo baaro.

Baabuurka ayaa waxa uu noociisu u ekaa kii dhowaan loo adeegsaday qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ay ku dhinteen dad ka badan 358 qof.

Haweenaydan oo ku nool magaalada Caabudwaaq ayaa waxa ay sheegtay in dadku weli argagax iyo walwal ay ka qabaan baabuurta noocan ah wixii ka dambeeyey qaraxaasi. Waxay la hadashay BBC laanta afka soomaaliga, waxayna tiri:

”Waxa ka dhacay muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur noocii oo kala ah oo soo galaya magaaladeena, waynu argagaxnay. Waxaan ahayn dhowr dumar ah oo waddada hareeraheeda ku iibinayey qaad. Aniga waxaan haystay qori. Dadkii ayaa waxa ay bilaabeen in ay qeyliyaan, aniga qoriga ayaan ku qabtay baabuurkii, dareewalkana waxaan ku amray in uu gaariga joojiyo”

Dad badan ay cabsi iyo baqdin ka qaadeen nooca baabuurka loo adeegsaday qaraxii Muqdisho iyo dhamaan Gaadiidka waaweyn ee suuragalka ah in mar kale lagu fuliyo Qaraxa maadaama Qaraxii weynaa uu noqon karo mid tijaabo ahaa.

Sidoo kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa kala carara haddii ay arkaan gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah, waxa ayna aad uga cabsi qabaan inay ku dhex qarxaan mujtamaca si lamida Qaraxii Zoobe.

Qaraxii ka dhacay Zoobe ee cashirka u noqday Umadda Soomaaliyeed ayaa galaaftay nolosha inkabadan 358 oo shacab ahaa.

SAWIRKA DHACDADII KA DHACDAY MAGAALADA CABUDWAAQ

GAADIIDKA XAMUULKA AH EE CABSIDA GALIYAY SHACABKA MUQDISHO