Sheekh Shariif oo ku abaal dhacay Turkiga, iskana illaaway 2011

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad u muuqata abaal dhac ka jeediyey safaaradda Soomaaliya ee magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo lagu qabtay xaflad Imaaraadka looga mahad-celinayey gargaarka la sheegay inay u fidiyeen dhibanayaasha qaraxii Zoobe, oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu Imaaraadka uga mahad-celinayo wax uu ugu yeeray taageerada weyn ee ay siiyeen Soomaaliya kadib qaraxii Zoobe.

“Imaaraadka waa dalka kaliya ee si joogto ah noo caawiya, xitaa hal maalin dib uma dhicin, ee mar walba waxay safka hore kaga jireen caawimaaddeena” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo u muuqda inuu meesha ka saaray dalalka kale ee caawiya Soomaaliya.

“Waxaan Imaaraadka ilaah uga baryaya farxad iyo inuu ka hor-istaago quwadaha xun xun, iyo in ilaah badbaadiyo barwaaqada Imaaraadka” ayuu yiri Shariif.

Waxaa yaab leh in Sheekh Shariif uu sheegay in Imaaraadka yahay dalka kaliya ee caawiya Soomaaliya, ayada oo xaqiiqda ay tahay in taageerada Imaaraadka ee Soomaaliya ay billaabatay sanadihii dambe kadib markii dano siyaasadeed ay ka yeesheen Soomaaliya.

Waxa uu hadalkiisa meel ka dhac iyo abaal dhac ku yahay dowladda Turkiga, oo ah tan taageerada ugu muuqata uguna badan siisa Soomaaliya.

Hadalkiisa ayaa sii noqonaya gaf weyn markaad ogaato xaqiiqda ah in Sheekh Shariif uu dalka madaxweyne ka ahaa sanadii 2011, markii madaxweyne Erdogan uu yimid Soomaaliya, uuna billaabay taageerada Turkiga, xilli Soomaaliya ay ku jirtay abaartii ugu darneyd oo ay ku dhinteen 250 kun oo qof, duniduna ay daawaneysay.

Haddii Shariif uu Imaaraadka uga mahad-naqay inay boqol qof dawo ugu qaadeen dalka Kenya, ma xusuusan waayey in Turkiga ay ayagana dalkooda u geeyeen dhaawacyo badan si ay dawo u helaan, mase kala garan waayey qofka dalkiisa ku geeya, iyo kan kuu quuri waaye ee Kenya ku geeya, isaga oo lacag bixinaya farqiga u dhaxeeya.

Inta uu ka oran lahaa “Imaaraadka waa dalka kaliya ee na caawiya” soo kama hobooneyn inuu yiraahdo “Imaaraadka waa mid ka mid ah dalalka sida joogtada ah noo caawiya?”, haddiiba ay jirto.

Xaqiiqda ayaa ah in siyaasiyiinta Soomaaliya ay wax walba siisanayaan dhaqaale, hadalka Sheekh Shariif-na, isaga oo Imaaraadka la dhacsanaan u muujinaya ayuu ku abaal dhacay dalalka kale ee Soomaaliya caawiya ee Turkiga ugu weyn yahay.

Hadalka Shariif waaa qoray wargeyska Gulfnews ee kasoo baxa Imaaraadka. Halkan ka aqriso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com