Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin kale oo soo saaray qoraal xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in madaxda dowladda federaalku ay weli dhegaha ka fureysanayaan baaqa iyo rabitaanka mas’uuliyiinta gobollada waqooyi ee ku aadan hanaanka loo marayo doorashada xildhibaanada ku metelaya baarlanmaanka afarta sano ee soo socota.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu dhaleeceeyey in xukuumaddu ay ku sii dhiirantahay tababaridda guddi aan sharci lagu soo magacaabin, isla markaana la doonayo in doorashada lagu boobo.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare, siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobollada waqooyi, waxay aad uga xunyihiin, in hoggaanka sare ee dalka iska indha tirayo ilaalinta sharciga iyo hanaanka lagu heshiiyey ee loo dejiyey doorashada dalka.”

“Waxaa nasiib darro ah in xukuumaddu weli ku adkeysaneyso oo ay tababareyso guddi sharci darro ah, iyadoo u jeedku yahay inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq,” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay xubnaha DF ku metelaya Somaliland oo uu ugu horeeyo guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada gobollada waqooyi aysan marti ka ahaan doonin ka talinta masiirkooda siyaasadeed.

“Hadaba iyadoo la raacayo hanaankii doorashadii dadbaneyd ee 2016-kii iyo waaya aragnimadii laga bartay, doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi waxay u baahatay in loo dejiyo habraac u gaar ah oo la isku waafaqsanyahay,  inta aan la bilaabin doorashada oo qeexaya maamulka iyo hufnaanta hanaanka doorashada,” ayaa yiri warkan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah masuulka ugu sareeya ee la doortay oo ka soo jeeda gobollada waqooyi uu dejiyey habraac dhameystiran oo loogu tala galay in lagu hago habsami u socoda doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi, isagoo kala tashaday arrintan siyaasiyiinta, dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland.

“Guddoomiyuhu waxuu magacaabay guddi doorasho oo lagu soo xulay wadatashi, buuxiyeyna shuruudaha habraaca loo dejiyey oo qaban kara doorasho u dhacda hab cadaalad ah oo daah-furan,” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa looga digay qaban-qaabada doorasho aan la isku waafaqsaneyn .

“Waxaan ka cosaneynaa xubnaha madasha wadatashiga doorashada dalka,  musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha, bulshada rayidka ah, iyo waxgaradka Soomaaliyeed inay soo faro-geliyaan oo wax ka qabtaan cadaalad darrada socota” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalkan.

Warkan waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ay soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay u xareysnaayeen tababarka, waxaana xusid mudantahay in xubnaha guddigaas ay ka maqan yihiin metelayaashii Jubbaland iyo Puntland.