Xiisad ka taagan PUNTLAND oo maanta looga banaan-baxay magaalada Qardho

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa sheegaya inuu maanta ka dhacay banaanbax weyn, iyada oo gebi ahaanba ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada.

Banaanbaxa oo qeyb ka ahaayeen ganacsatada magaalada ayaa la sheegay inay uga soo horjeedan sicir bararka dollarka oo maalmihii u dambeeyay ka taagna magaalada iyo guud ahaanba deegaanada Puntland.

Sarifka dollarka ayaa maraya halkii ugu sareysay magaalada Qardho, midaasi oo ay ka biyo diideen bulshada iyo ganacsatada maanta dhigayay banaanbaxa, xili ay ganacsatada qaar ay diideen in wax looga iibsado lacagta shillin Soomaaliga.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaysan awoodin sicir bararka xadhka goostay, oo sababay in la joojiyo qaadashada Shilin Soomaaliga oo laga isticmaali jiray magaalada Qardho iyo nawaaxigeedaba.

Waxa kale oo ay banaan-baxayaashu ugu baaqeen madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni inuu si deg-deg ah wax uga qabto arrinta, oo muddooyinkii dambe ka taagneyd guud aahanba deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen maamulka iyo madaxda dowlada inay tallaabo ka qaadan ganacsatada diida isticmaalka Shillinka Soomaaliga, si loo yareeyo culeyska ka dhashay sicir bararka.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhaceysay sicir bararka, iyada oo dhowrkii cisho ee u dambeeyay ay shacabku dhigayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi, xili uu maamulka deegaanadaasi tahli kari waayey wax ka qabashadeeda.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan madaxweynaha Puntland amray in canshuuraha deegaanada maamulkiisa lagu qaado lacagta Doller-ka Mareykanka ah, maadama uu kasii daray sicir bararka ka taagan maamulka Puntland, taasi oo caro xoogan ka dhalisay deeganadaasi.