Guddoomiye Cabdi Xaashi oo dalbaday in la baaro ‘been abuur u sameeyey’ Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi) oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa dalab xasaasi ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in baaris deg-deg ah uu ku sameeyo xeerka maaliyadda guud ee dalka oo uu dhowaan u gudbiyey Golaha Shacabka.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxaa lagu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ka sameeyey habraaca dhaqan-gelinta xeerka maaliyadda guud ee dalka, isaga oo sheegay in aan lasii marsiinin Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare,. si uu dib u eegis ugu sameeyaan iyaguna.

“Xeerkaas lama dhaqan-gelinayo inta laga sarayo habraaciisa dastuuriga ah sidda waafaqsan qodobka 85aad iyo qodobka 90aad farqadiisa [f] ee dastuurka ku meelgaarka ah,” ayuu soo qoray Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku soo bandhigay guddoomiyaha Aqalka Sare shax muujineysa wax ka bedal lagu sameeyey xeerkaas iyo kuwa meesha laga saaray.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli uu weli halkiisii yahay khilaafka u dhexeeya labada Aqal ee baarlamaanka oo ka dhashay arrimaha doorashada ee 20/21.