Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa magacaabay xubno cusub oo gobollada Waqooyi ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.
Warqad kasoo baxday xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay afar xubnood oo qeyb ka noqonaya guddiyadaasi, kuwaasi oo uu ugudbiyey ra’iisal wasaare Rooble, balse uusan qaadan oo uu ka reebay guddigii uu ku dhawaaqay.
Xubnaha uu magacaabay guddoomiyaha golaha aqalka sarre ayaa loo gudbiyey ra’iisal wasaaraha maalmo ka hor inta uusan ku dhawaaqin guddiga cusub, taasi oo keentay in maanta uu Cabdi Xaashi ka hor-yimaado guddiga cusub ee ku dhawaaqay Rooble.
Cabdi Xaashi ayaa ku doodaya in Somaliland ama gobolada waqooyi aysan mateli doonin xubnaha ay soo xushay xukuumadu, isagoona warqad ‘diidmo’ ah maanta u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya.
“Marka aan la tashaday Madaxda, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedka beelaha gobollada waqooyi ee Somaliland ee soo jeediyay magacaabista xubnaha guddiyada doorashada dadban ee 2020/21 ay iyagu u madax-banaanadaan, si lamid ah xubnaha guddiyada kale ee ka imanaya dowladaha xubaha ka ah dowladda federaalka, isla markaana la tix-geliyo habracyadii meel-marka ahaa ee lagu galay doorashadii dadbaneyd ee ka dhacday dalka sanadkii 2016-ka. Waxaan go’aansaday in aan magacaabo guddigan” ayuu ku yiri waraaqdiisa magacaabista.
Hoos ka aqriso xubnaha uu magacaabay Cabdi Xaashi:
1. Axmed Maxamed Sulaymaan: Guddiga doorashada
2. Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi: Guddiga doorashada
3. Sulaymaan Caydiid Cusmaan: Guddiga xalinta khilaafaadka
4. Faadumo Cali Xuseen: Guddiga xalinta khilaafaadka
Warqadda Cabdi Xaashi ayaa labadii November loo diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, si ay ugu soo diraan xubnaha ay soo gudbinayaan ee uga kala yimid maamul goboleedyada.
Hase yeeshee sida muuqata dhinac ayaa la isaga tuuray, waxaana laba maalin kadib oo ahayd 4-tii bishan uu ra’iisul wasaaraha soo saaray liiska guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, ayada oo xubnaha Somaliland ay soo magacowday xukuumadda.
Si kastaba, arrintan ayaa dab kusii qabaneysa xiisada ka dhalatay doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi ee Somaliland, oo maalmihii u dambeeyay uu ka taagna muran xoogan oo u dhaxeeya xukuumada iyo guddoomiyaha golaha aqalka sarre.