Guddoomiye Ciro oo war cusub ka soo saaray wada-hadalada DF iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo dhowaan warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa xisbiga Waddani, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey mowqifkooda ku aadan Wada-hadalada Soomaaliyo iyo Somaliland.

Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in xiligan aysan munaasib aheyn in Wada-hadal lala furo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciro ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumada Muuse Biixi ay kala qeybisey bulshadii reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi ay ka horeeyan in bulshada Somaliland la mideeyo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo arrimahaasi ka hadlayey ayaa waxa uu yiri “Xukuumadda Somaliland iyada oo leh boqolkiiba konton shacbiga waan ka maarmay, oo aan rumays nahay kontonka ay tirsanaysaana in aanay maanta kalsooniba ku qabin, waxaan qabaa inaanay ahayn waqtigii ugu haboona ee ay bilaaban lahaayen wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbi ahaan Anaga oo mabda ahaan ogol in la wada-hadlo haddana waxa ka horeeya in aynu gurigeena hagaajino, inaynu shacbiga midayno, in aynu tacadiga, xeer jebinta iyo ku tumashada shuruucda, jidh dilka shacbiga iyo xariga ka dayno oo inaga oo midaysan oo shacbigu gudaha ka midaysan yahay ayuu gali karaa in uu la hadlo”.

“Marka ay ku haboonaato in wada-hadal la galo waxa loo baahan yahay in qorshihii hore iyo istaraatijiyaddii hore wax laga bedelo loona diro dad ka midho dhalin kara, wada-hadal kasta oo la galayaana waa inay u dhanaadan metelayaasha shacbiga oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com