Qodob hor leh oo caqabad ku noqday shirka dowlada iyo maamul goboleedyada

Garoowe (Caasimada Online) – Xogta aan ka heleyno shirka Garoowe ayaa sheegeysa in xalay aad la isugu qabtay qodobka la xiriira doorashada Soomaaliya ka dhaceysa 2021.

Ilo-wareedyo ku sugan shirka ayaa Caasimada Online u sheegay in maamul goboleedyada ay dalbadeen in golaha wasiirada Soomaaliya ay dib ugu laabtaan waxna ka beddelaan sharciga doorashada ee ay ansixiyeen khamiistii tagtay.

Shirciggan ayaa maamul goboleedyada ay ku doodeen inaan laga talo-gelin islamarkaana ay ku jiraan qodobo loo arkay in dowladda ay ku sharciyeysaneyso inay waqtiga kororsato.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa maamullada u sheegay in sharciggan la horgeeyo baarlamanka, ayada oo ay qireen inay ogyihiin inuusan ka gudbi doonin, markaas kadibna golaha wasiirada ay dib ugu laabtaan.

Hase yeeshee maamullada ayaa ku gacan seeray taas, waxayna cabsi ka muujiyeen inaysan isku halleyn karin xildhibaanada, oo sharcigan laga yaabo inuu baaso.

Xubno dowladda ku dhow ayaa sheegay in dowladda ay u aragto bah-dilaad in sharcigan golaha wasiirada lagu celiyo, ayada oo baarlamanka aan la horgeyn, waxayna ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonto sidii loo diidi lahaa, si dib loogu saxo.

Qodobkan ayaa caqabad hor leh ku noqday qodobo kale oo dhwor ah oo mabda’ ahaan la isku fahmay shalay sida aan qornay, waxaana maadaama uu yahay qodobka ugu muhiimsan aan suurta-gal ahayn in heshiis la saxiixo ayada oo aan meel la saarin.

Mar kale ayaa la filayaa in qodobkan dib loogu laabto maanta, waxaana dhinacyada ay sheegeen inay rajaynayan in xal laga gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com