Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Xamar Jajab, kadib dilkii Maxamed Xayle

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay maamulka degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska duqa Muqdisho ayaa waxaa xil-kan loogu magacaabay inuu qabto Mucaawiye Sheekh Axmed Muudey, kaas oo ah nin dhalinyaro ah.

Mucaawiye ayaa bedalaya guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Marxuum Maxamed Cabdi Xayle oo 17-kii bishan April lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah ula wareego xil-ka, isagoona sidoo kale amray saraakiisha laamaha ammaanka inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo horey u ahaa wariye ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeyso, iyadoo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay AUN Marxuum Xayle oo si arxan darro ahaa loogu dilay Sarkuusta.