Xog: Beesha caalamka oo Farmaajo ku cadaadineysa inuu sameeyo laba midkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in la saaray cadaadiskii ugu dambeeyay ee dhinaca beesha caalamka, iyadoo shirar gaar gaar ah oo laga yeeshay xaaladda Soomaaliya laga soo saaray farriimo adag. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubno sare oo ka tirsan QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika, dowladaha Mareykanka iyo UK ay Madaxweyne Farmaajo hor dhigeen laba qodob oo kala ah. 

1- In uu dib ugu laabto shirkii looga hadlayay arrimaha doorashada Soomaaliya ee teendhada Afisyoone, islamarkaana uu xaliyo khilaafka doorashada Soomaaliya.

2-  In uu iscasilo haddii uu diido ku laabashada shirka ama uu xalin waayo muranka doorashada Soomaaliya oo gaaray heerkii ugu sarreeyay.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Farmaajo uu saaran yahay culeys xooggan oo dhanka dibadda ah. Sidoo kale xogta ayaa sheegeysa in si isdaba joogb ah ay ula soo xariiraan wakiilada beesha caalamka ee dalalka Mareykanka, UK iyo France iyo ururada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. 

Kulankii Golaha amaanka ee QM xalay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa loo oo jeediyay saddex qodob, kuwaas oo kala. 

1- In dowladda  iyo maamulada dalka ay ku laabtaan shirkii Afisyooni. 2- In la dhaqan geliyo heshiiskii 17-Sep, ee doorashada Soomaaliya. 3- Iyo in la saxiixo is afgaradkii guddi ee Baydhabo lagu gaaray 16-kii Feb ee sanadkaan, kaas oo ku aadanaa doorashada Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramayaa inuu weli ka dhego adeegayo inuu ka laabto muddo kororsiga, mana cadda sida ay xalaaddan ku dhammaan doonto.