Madaxweynaha Golaha Ammaanka oo war kasoo saaray xaaladda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Ergayga joogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay, ahna madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bisha April, Danjire Dang Dinh Quy oo ka hadlayey fadhiga golaha ammaanka ayaa soo hadal qaaday xaaladda adag ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

Danjire Dang Dinh Quy ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Vietnam ay walaac xoog leh ka muujineyso xaaladda murugsan ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in sii socoshada khilaafkan uu caqabad ku noqon doonta hanaanka loo wajahayo doorashada 2021-ka.

Dang Dinh Quy ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo bilaabo wada-hadalladii ku saabsanaa ee doorashooyinka ee u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Waxa kale oo intaasi ku daray in Vietnam ay taageereyso dadaallada socda ee horey loogu sii amba-qaado nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

“Vietnam waxa ay taageertaa dadaallada dadka Soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka” ayuu yiri Ergayga oogtada ah ee Vietnam u jooga Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay qaadato doorkeeda, isla-markaana ay gacan ka geysato dadaallada lagu dhameynayo xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya.