Gudoomiye lagu dhaawacay qarax gurigiisa loo galiyay iyo wiilkiisa oo ku dhintay

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi uu ku dhaawacmay qarax gudaha gurigiisa loo galiyay.

Qaraxan gurigiisa loogu qariyay guddoomiye Nuux Xasan Daa’uud ayaa sidoo kale waxaa ku dintay wiil uu dhalay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan oo Jimcihii duhurnimadii ka dhacay gurriga guddoomiye ku-xigeenka labaad ay laamaha amaanka u xireen shakhsiyaad lagu tuhmayo inay soo abaabuleen.

Si dhab ah looma oga cidda ka dambeysa falkan, hase yeeshe maamulka degmada Buurdhuubo ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeeyaan falkaan.

Qaraxyada noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Gedo, ayada oo bishii hore un aheyd markii Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa jiifka.

Sarkaalkaas ayaa saaxiib dhow la ahaa taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Gedo, Baakal Kooke oo isagana qarax lagu dilay daba-yaaqada sanadkii hore.

Qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa kasoo baxaya tuhuno kala duwan, maadama qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo loogu qariyaay gudaha gurigiisa, halka ka Sarkaalka uu ku baxay loogu xiray isla xerada ciidanka dhexdiisa.

Illaa hadda ma-jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan qaraxan

Kooxda Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi.