Daawo: Xamza oo shaaciyey qiimo aad u sarreeya oo ay Soomaalidu kusoo xajiso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa aad uga hadlay qiimaha sareeya ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagaan Xajka, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dhibaatada ay dhinac kasta oo cibaadada ah ay ka wajahayaan dadkeenu.

Xamse Barre oo maanta booqday xarunta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatada ay qabaan dadka Soomaaliyeed, markii ay aadayaan Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qofka Soomaaliga ah uu lix kun oo dollar ku soo xajiyo, halka muslimiinta ku nool dalalka deriska ah ay ku soo xajiyaan wax ka yar laba kun oo dollar.

“Dowladaha deriska ah qofku ku soo xajiyo 1,600 oo dollar, qofka Soomaaliga ahna uu ku soo xajiyo 5,500 ilaa 6,000 oo dollar, marka taasi waa isbaaro loo dhiganayo dadka soo cibaadeysanaya, waa dhibaato aan caadi aheyn oo umadaan ku habsatay,” ayuu yiri Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaalidu ay aad ugu dhiban tahay inay ku soo cibaadeystaan masaajidda oo Al-Shabaab ay dadka ku hor dilayaan goobaha cibaadada, halka markii ay soo xajinayaan ay furtaan shirkadaha iyo masuuliyiinta Soomaalida.

“Dadkii dalkaan ku noolaa waa ku dhiban yihiin inay soo xajiyaan, markii ay masaajidka aadaana waxaa dilaya Khawaarij oo cibaadadii waa loo diiday, umadda Soomalaiyeed dhinac kasta ayey ka ciqaaban tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu si adag uga digay in la siyaasadeeyo Xajka, isagoo wasaaradda ku adkeeyey inay u sinaadaan dadka Soomaaliyeed oo loo fududeeyo gudashada acmaasha Xajka.

“Sanadkaan waxaan imtixaaneynaa iimaanka Sheekh Mukhtaar Roobow, asagana waxaan ka rabnaa in guddiga uu sii imtixaano, qofka kasta qofka hoos taga ha imtixaano,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Barre.

Wuxuu ku celceliyey R/Wasaaruhu in sanadkaan uu doonayo dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo heer walba leh oo dhinaca Xajka ah, sida in dadka la baro gudashada acmaasha Xajka, si Alle uga aqbalo cibaadada qurxoon oo ay la imaanayaan.

Hoos ka daawo