Daawo: Xildhibaan soo jeediyey in 120 Yaasiin lagu akhriyo guri kasta iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilkacase oo ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta soo jeediyey in guri kasta oo Soomaaliyeed lagu akhriyo Qur’aan, si dadka Soomaaliyeed ay dhibatada uga baxaan.

Xildhibaanka ayaa kulankii baarlamaanka ee maanta ka hor dalbaday in guri kasta lagu akhriyo 120 Yaasiin, iyadoo laga faa’iideysanayo fadliga bishaan, si umadda Soomaaliyeed ay uga baxdo dhibaatooyinka ragaadiyey.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fadliga ay bishaan Shacbaan leedahay, waxaan umadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in guri kasta lagu akhriyo maro Yaasiin oo ah 120 Yaasiin, si umaddaan Soomaaliyeed ay isugu calool samaato oo dalkeenu uu dhibaatada uga baxo, waa iga talo arrintaasi,” ayuu yiri Xildhibaan Ilkacase.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku jira kulamadoodii ugu dambeeyey inta aysan aadin fasax ay gelayaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha ka dambeeya ee ciidda.

Sharciyo cusub oo aad u badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay la hor geeyey xildhibaanada labada aqal, kuwaas oo intooda badan ay ansixiyeen.

Maanta oo ugu dambeysay waxay ansixiyeen Sharciga kalluumaysiga iyo khayraadka badda oo wasaaradda kaluumaysiga ay hor geysay golaha, iyadoo la marsiiyey habraacyadii akhrinta.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira kalfadhigiisii labaad ayaa meel mariyey shuruucdii ugu badneyd, taas oo hadal heyn xoog leh ka dhex abuurtay bulshada.

Waxaa sidoo kale baarlamaanka hor yaalla tobanaan sharci oo kale, kuwaas oo wasaarado iyo hey’ado ka tirsan dowladda ay soo gudbiyeen, si loo ansixiyo.

Shuruucda muhiimka ah ee la mahdiyey ansixintooda iyo ka shaqeyntooda waxaa ka mid ah sharciga NISA oo aad loogu baahi qabay, isla markaana la aaminsan yahay inuu xakameyn doono hey’adda oo awoodo dheeraad ah isticmaali jirtay.

Sidoo kale waxaa sharciyada la ansixiyey ee cabsida badan abuuray ka mid ah sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo cabsi badan iyo jaha wareer ku abuuray ganacsatada iyo dadka indheer-garadka ah.

Sharciga la dagaalanka argagixisada oo ka gudbay golaha shacabka, hadana hor yaalla Aqalka Sare ayaa ka mid ah sharciyada loo arko inay muhiim u yihiin dalka, maadaama dagaal adag lagula jiro kooxo argagixiso ah.

Hoos ka daawo Xildhibaan Ilkacase