Xog: DF oo dejisay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab inta aan la gaarin Ramadaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inta aan la gaarin bisha Ramadaan ilaa bilowga bishaas in Al-Shabaab laga nadiifiyo Galmudug iyo HirShabeelle inta ay ka joogaan.

Waxaa gabagabo maraya diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka soo bilaabanaya koonfurta gobolka Mudug oo gees u xigta dhulka uu Al-Shabaab ka joogo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dowladda ayaa ciidankeeda isugu geysta jiidaha dagaalka ee gobolka Mudug, sidoo kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka baxay ciidankii ugu badnaa oo ka socda beelaha Murusade iyo Duduble, labadaas beelood ayaa dega Ceelbuur iyo magaalooyin kale oo muhiim ah oo weli ay Al-Shabaab maamulaan.

Qorshaha dowladda waa la sheegay inuu yahay in dagaalka hal jiho laga soo bilaabo, taas oo ah koonfurta gobolka Mudug, iyadoo markii la xoreeyo Mudug lagu xiji doono bariga Galgaduud, kadibna loo sii gudbi doono Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo la isku yiraahdo HirShabeelle.

Qorshahaan oo weli aan si rasmi ah loo shaacin ayey Caasimada Online ogaatay inuu socdo abaabulkiisu, waxaana dagaalkaan hoggaami doonta dowladda Soomaaliya, si loo yareeyo khasaaraha ciidanka soo gaari kara.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid weerarkii ku socday Al-Shabaab, hadana waxaa la sheegay in madaxweynuhu amray in la dejiyo qorshe dagaal oo Shabaab looga xoreyn karo dalka, iyadoo la yareynayo khasaaraha soo gaari kara ciidanka qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xoog leh u gashay in dowladaha caalamka ay ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab, waxayna maalin ka hor Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya ciidan ka madax-banaan howlgalka ATMIS, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay saaxiibadeed.

Diyaaradaha dagaalka ayaa muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhamaan dhulkii laga xoreeyey Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay waxaa loogu geystay duqeymo aad loogu laayey, taasi waxay yareysay khasaarihii soo gaari karay ciidanka, hadii ay kooxda la galaan dagaal toos ah.

Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa la sheegay inay leeyihiin diyaaradaha fuliya duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee garab siiya ciidamada Soomaaliya, maalmihii iyo bilihii lasoo dhaafay waxaa duqeymo culus lagu dilay boqolaal Shabaab ah.