Xog: Go’aanka Deni ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo dhawaan ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo farriimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Saciid Deni ayaa diidmadiisa shirka dhawaan furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo hore maamulkiisa xiriirka ugu jaray dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaadacadiisa shirka Madasha Wadatashiga Qaranka waxay cirka kusii shareeraysa xiisaddii ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo Puntland.

Shir hordhaca u ah Ajendayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo 15-ka bishaan, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.