Gudoomiye runta ka sheegay dhibaato xooggan oo lagu hayo shacabka

Marka (Caasimada Online) Guddoomiyaha degmada Marka, Maxamed Cismaan Maxamed Yariisow ayaa caddeeyay dhibaatooyin waaweyn oo lagu hayo shacabka ku nool gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kooxo ku labisan dharka ciidamada ay dhac iyo tacadiyo kale oo xooggan ay u geestaan dadka ku safra waddada xiriirsa Muqdisho iyo Marka, “Mana jirto cid wax ka qabata” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa eedeen u soo jeediyay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Nuur Siidii, kaasoo sheegay in dibad bax ay shaley dhigeen darawalada iyo mulkiilayaasha gaadidleyda oo ka cabaanaayay isbaarooyin uu ahaa mid la soo abaabulay, gobalkana uu nabad yahay.

Bale Maxamed Yariisow, ayaa leh guddoomiya waa uu ku qaldan yahay hadalkaas, waayo maalin kasta ayaa la dhacaa dadka ku safra waddadaas xiriirsa Muqdisho iyo Marka.

“Guddoomiyaha waa nin aan waxbo ka ogeyn gobalka, maba aragno waayo Hotelo Xamar ayuu deggan yahay, annaga ayaa gobalka xaalladiisa ka warqabno, waa run dhibka lagu hayo shacabka musaafarka”ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda uu ka codsaday in ay wax ka qabtaan kooxaha dhaca iyo tacadiyada kale kula kaca shacabka ku safra waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com