Mas’uul ka tirsan DFS oo xabsiga loo taxaabay, sababo la xiriira fal ay….

Beledweyna (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya, maxkamada ciidamada qalabka sida in ay xabsiga dhigtay guddoomiye ku xigeenkii degmada Beledweyne.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshadda Sheekh Xuseen Cismaan Cali, oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in uu xiran yahay Cabdulaahi Maxamed Cumar oo guddoomiye ku xigeenka Beledweyne aha ku-simaha duqa magaalada.

Mar la weydiiyay bal in uu ka warbixyo sababaha loo xiray mas’uulkan, wuxuu tilmaamay in loo heesto dhacdo hadda ka hor ay geesteen ilaaladiisa, laakin faah-faahinta waa ay soo bixi doontaa” ayuu yiri.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku aadan sababaha loo xiray guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne.

Arrintan ayaa magaalada ka dhilsay xaalad kacsanaan waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad uu dhexmaro maamulka degmada iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida oo kala madax banaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com