Wasiiradii ugu horeeyay xukuumada cusub oo xilka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii dhawaan uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed in xubnaha wasiirada looga baahan yahay muddo shan cisho in ay kula wareegaan xafiisyadooda maadama shaqooyin badan ay sugeyso, waxaa habeenkii xaley magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad xilalka lagu kala wareejinayay wasiirrada cusub ee Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.

Labadan wasiir ayaa waxa ay xilka kala wareegeen wasiirkii horre ee Maaliaydda, Maxamuud Xasan Saleybaan, oo xilalkaas isku hayay.

Munaasabada oo ka dhacday mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta awqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed, xubno ka socda labada golle, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo magac ku dhex leh bulshadda.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay wasiirkii horre ee maaliyada iyo qorsheenta, Maxamuud Xasan Saleybaan, kaasoo faah-faahin ka bixiyay wax yaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayay isagoonta intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo labada wasiir ee cusub, wuxuna u rajeeyay horrumar.

Wuxuuu ka hadlay shirar caalami ah oo ay ka qaybgaleen kuwaasoo lacago loogu yaboohay dowladda Soomaaliya iyo in ay dajiyeen miisaaniyada ay ku shaqeeneyso dowladda taasoo ay meel mariyeen baarlamaanka.

Intaas kaddib waxaa hadalka qaatay wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi, wuxuu mahadceliyay wasiirkii horre oo uu tilmaamay isagoo isku hayay labo wasaaradood oo culus in uu qabtay howl muhiim ah.

Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay wasiirka cusub ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane isna amaanay iyo bogaadin u jeediyay wasiirkii horre, wuxuuna ballan qaaday in uu la imaan doono wax qabad la taaban karo.

Waa wasiiradii ugu horreeyay ee xilalka la wareega labadan wasiir, waxaana dhimman 23-wasiir oo kale oo la rabo in maalmaha soo socda ay la wareegaan xilalkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com