Guddoomiye ku-xigeen lagu dilay magaalada Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay Mukhtaar Nuur Geesey oo ahaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka deegaanka Lafoole oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho, sida ay innoo i sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay afaafka hore gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Dharkenley, kadib markii rag hubeysan ay ku fureen rasaas, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay soo qaadeen maydka marxuumka oo ay geeyeen xarunta laanta dambi baarista ee C.I.D, si baaris loogu sameeyo dhacdadaasi.

Kooxda dilka gaysatay ayaa sida caadada ahayd goobta ka baxsatay, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah Muqdisho kula beegsato mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada, balse ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Lafoole.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaam darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha caasimada, haddana waxaa socda howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.