R/W Xamza oo u baxay dalka Koonfur Kuuriya + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay safar dibadeed, isaga oo kusii jeeda dalka Koonfurta Kuuriya.

Xamza ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya qaar kamid ah golihiida wasiirada, waxayna ka qayb-geli doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa magaalada Seoul ee caasimada dalkaasi ka qabsoomi doono inta u dhexeyso  4 Iaa 5 Juun ee sanadkam 2024-ka.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jireenka ah ee Koonfur Kuuriya iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinaca iskaashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arrimo kale.

Ra’iisul wasaare Xamza oo shirkan ku metalaya Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedin doono madasha, taas oo uu uga hadli doono fursadaha maalgashi ee xilligan ka jira dalka iyo arrimaha muhiimka ah ee horyaallo dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxada kasoo qayb-galeysa shirkan oo uu kala hadli doono xaalado quseeya arrimaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli Soomaaliya laga cafiyay daymihii lagu lahaa muddada dheer, ayna hadda diyaar u tahay maalgashi caalami ah, taas oo ah fursad muhiim ah.